Taagerid & Isku waafajin
Taageerid iyo isku waafajin Stöd och matchning waa adeeg loogu talagalay adiga oo ubaahan taageerid badan oo baahidaada shaqsiyan loogu waafajiyay oo shaqo raadinta.
Waxaa dooneysaa adiga ? Maxaa taqaanaa adiga ? Fursadaha waa kuwee ?
Tan anaga noogu muhiimsan waa inaa adiga dareentid kalsooni, heshid caawinaad wanaagsan iyo xiriir badan heshid haddii aad anaga noo soo dalbatid kuwii kuu adeegi lahaa.
Meeshaan waxaa adiga ka heleysaa caawinaad oo sidaa shaqo ku heli leheed iyo taageerid adiga baahidaada lagu waafajiyay. Taageeridaas waxey ahaan kartaa qalabka shaqada lagu raadsado iyo lagaa caawiyo sidaa xiriir ula yeelan laheed shaqo-bixiye.
Anaga waxaa adiga ka caawin waxkasto oo loo baahdo sidaa adiga si dhaqsi badan u heshid camal adiga kugu habboon, haddii ey taas ku saabsantahay shaqo ama waxbarasho.
Shaqaalaheena waxey leeyahiin aqoon badan oo sannado badan bey ka soo shaqeynaayeen iney caawiyaan shaqo-raadiyaasha sida ey si dhaqso badan ku heli lahaayeen wadada ey isku masruufi lahaayeen. Anaga waxaa xiriir weyn la lee nahay shirkado iyo suuqa shirkadaha oo magaaladaada iyo kuwaas baa adeegsaneynaa sidaa adiga kuu caawino. Waxaa xitaa aqoon oo sannado badan u lee nahay inaa bulshada ka caawino talo-bixinta waxbarashada & shaqooyinka sidaa adiga u heli kartid waxbarashooyinka kugu habbon.
Adiga waxaa dalbankartaa IIS haddii aad dooneysid inaad camal dhaqso ku heshid. Anaga waxaa isku mashquulin boqolkiiba boqol inaa sida ugu dhaqsaha badan dhameystirno warqada aqoontaada CV iyo warqada shaqsiga personligt brev , oo kuu helno camal aad ADIGA dooneysid iyo kugu habbon. Anaga waxaa haysanaa qalab kala duwan oo anaga isticmaalno markaa shaqaalo dooneyno sidaa uga wardoono shaqsiga aad tahay iyo waxyaabaha aad ku fiicantahay.